Xildhibaanada Barlmaanka Soomaliya oo go’aan ka gaaray Wasiir Xoosh

Xildhibaanada Barlmaanka Soomaliya oo go’aan ka gaaray Wasiir Xoosh

0
SHARE

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta hor-tagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa  raalli gelin ka bixiyay qoraal dhawaan uu kusoo qoray Bartiisa Twitter-ka.

Wasiirka ayaa xildhibaanada ka codsaday in la cafiyo ,maadaama uu qaldamay Xildhibaanada uu raaligeliyay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa aqbalay raalli gelinta Wasiir Xoosh, waxaana ay u fasaxeen inuu howlihiisa shaqo sii wato.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa lagu heystay inuu Baarlamaanka hor-tagi waayay, kaddib markii loo yeeray, waxaana uu horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee Maalintii Arbacada ahayd oo ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uu u baaqday Kooram la’aan maadaama ay Xildhibaanada ku soo xaadiri waayeen tiradii uu ku furmi lahaa kulanka.

LEAVE A REPLY