Akhriso: Qodobka codka kalsoonida ee dastuurka oo xaalka Kheyre ka dhigaya mid...

Akhriso: Qodobka codka kalsoonida ee dastuurka oo xaalka Kheyre ka dhigaya mid rajo beel ah

0
SHARE

Xukuumadda uu horkacayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in berri laga keeno mooshin codka loogu qaadayo kadib markii ay xildhibaano badan oo ka tirasan Baarlamaanka Soomaaliya ka hor imaadeen tallaabadii Xukuumadda ay Qalbi Dhagax ugu dhiibtay Dowladda Itoobiya.

Kulanka Baarlamaanka oo sabtidii Kooram la’aan u baaqday ayaa la filayaa inuu qabsoomo maalinta Berri ah waxaana jirto cabsi weyn oo ku aadan in codka kalsooniga lagala noqdo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Haddaba dad badan ayaa is waydiinayo codka ama tirada looga baahan yahay xildhibaanada doonayo inay xilka ka qaadaan Xukuumadda Kheyre.

Sida uu qabo Dastuurka dowladda Soomaaliya, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu ridi karaa 50 + 1 oo macnaheeda tahay tirada guud ee Xildhibaanada  inay kalsoonida ka qaadidda taageeraan laba meelood hal meel oo lagu daray 1 ( 50 + 1 ).

Tirada Guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waa 275, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay inay codka kalsoonida kala noqdaan dowladda Soomaaliya 139 Xildhibaan, markaas ayuu codka weyn doonaa Kheyre.

Codka kalsooni u qaadidda xukuumadda ayuu noqon doono gacan taag sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya .

Qodobkaan ayaa muujinayo inuusan xaalka Kheyre wanaagsaneyn, maadaama kaliya cod hal dheeri ah oo weliba gacan taag ah loo baahan yahay, inkastoo ay dowladda Soomaaliya waday dadaal dheer oo ay ku dooneyso inay ku kasbato Xildhibaano badan si ay uga hortagto kacdoonka ay wadaan Shaqsiyaad dano gaar ah leh.

halkaan hoose ka akhriso qodobka Dastuurka Soomaaliya uu ka qabo tirada uu Kheyre ku weyn karo xilkiisa:

Ads by Revcontent

From the Web

LEAVE A REPLY