Daawo Muqaal : Odayaasha Beesha Hawiye oo taageero u Raadinaya Dowlada Farmaajo...

Daawo Muqaal : Odayaasha Beesha Hawiye oo taageero u Raadinaya Dowlada Farmaajo ,Kadib Culayso ka soo Wahay Dhiibisti Halgame Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax

0
SHARE

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay ku baaqeen in la joojiyo mucaaradnimada lagu haayo Dowladda Soomaaliya oo wali aana jirsan muddo sanad ah, Waxay sheegeen Dowladda inay wax badan ka qabatay arimo kala duwan, sidoo kalena la tiigsaday horumar.

Waxa ay sheegeen siyaasiyiin xil doon ah inay ka faa’iideysanayaan mucaaradnimada Dowladda Soomaaliya sida ay sheegayaan Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Xaad oo ka hadlay kulankiiOdayaasha ay ku yeesheen Muqdisho.

Ugu dambeyn Odayaasha ayaa ku baaqay in aanan laga hor dhicin hadalka Dowladda ee ku aadan muwaadinka la sheegay in loo dhiibay Dowladda Itoobiya, lagana war sugo jawaabta Dowladda arintaasi ay ka bixinayso.

Hoos ka Daawo Muqaalka

LEAVE A REPLY