Daawo Sawirada Banaanbax lagu Dalbanayay in la caawiyo Askartii Galmudug ee mareykanku...

Daawo Sawirada Banaanbax lagu Dalbanayay in la caawiyo Askartii Galmudug ee mareykanku uu ku Duqeyay Deganka Jeexdin oo Gaalkacyo lagu Qabtay

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Banaabaxaani oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyen Ehelada Askartii Lagu dilay Sanad Ka Hor Duqeyntii ka Dhacday Deegaanka Jeexdin ee bariga Gobolka Mudug Ayaa Maanta Lagu qabtay Magalada Gaalkacyo iyadoona dibad baxayasha ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin falkii ka dhacay Halkaasi  oo ilaa iyo hadda ay shegen in aysan jirin wax mag dhow ah oo laga siiyay eheladooda.

Shacabkii dibad Baxa Dhigayay oo ku qeylinayay  ereyo ay ku dalbanayaan in la caawiyo caruurta agoonta ah ee ay katageen askartii lagu dilay duqeynti ka dhacay jeexdin Waxeyna  dibad baxayaasha socod dheer ay ku soo mareen wadooyinka Magalada Gaalkacyo iyagoona  markii dambe ay isku soo Aruureen  barxada Cabdulaahi Ciise Maxamuud Halkaasi oo dibad baxayasha ay ku soo bandhigeen dareenkooda.

Hoos ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY