Daawo Sawirada Kooxda Al-Shabab oo Heysta Diyraaraa Nuuca aan Duuliyaha Lahayn ee...

Daawo Sawirada Kooxda Al-Shabab oo Heysta Diyraaraa Nuuca aan Duuliyaha Lahayn ee lo yaqaano Drones

0
SHARE

Xarakada Al Shabaab ayaa saakay Fagaare kuyaala magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe kusoo bandhigtay Diyaarad Drones ah nuuca wax sawirada sidoo kale mararka qaarkood loo adeegsado howlaha basaasida.

Diyaaradan Droneka ah ayaa lagu soo bandhigay markii salaada Ciida la dukaday fagaare lagu magacaabo macallin Aadan Xaashi Cayrow oo kuyaala magaalada Jilib, waxaana aad ula yaaba diyaaradan kuna mashquulay dadka kunool Jilib oon horey u aqoon.

Soomaaliya waxaa kusoo batay mudooyinkii ugu dambeeyay Diyaaradaha yar yar ee loo Yaqaan Drones-ka, waxaana diyaaradahan yihiin kuwa ku xiran kaamirooyin loona adeegsado in wax lagu sawiro sidoo kale mararka qaar loo adeegsadi in wax lagu basaaso.



LEAVE A REPLY