(Daawo Sawirro) Qaxootigii ugu badnaa Muslimiinta Rohingya oo gaaray Bangaladesh & xaalad...

(Daawo Sawirro) Qaxootigii ugu badnaa Muslimiinta Rohingya oo gaaray Bangaladesh & xaalad adag oo heysata

0
SHARE

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey ku dhawaad 40,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee qowmiyadda Rohingya ee dalka Myanmar ayaa u tallaabay dhanka dalka deriska ah ee Bangladesh.

Qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ay u suurtagashay inay Myanmar ka cararaan oo ay u tallaabaan dhanka Bangaladesh ayaa waxaa ay intooda badan ku nool yihiin xeryo qaxooti oo aad ciriir u ah.

Qaxootiga qowmiyaddani laga tirada badan yahay ee Rohinga ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu khasbay in ay dalkooda ka qaxaan, ka dib markii sida ay sheegeen ay tuulooyinkii ay deganayeen ay soo weerareen ciidamada milatariga Burma iyo dad shacab ah oo hubeysan oo ka tirsan Budhistaha maamulka dalkaas.
Hase yeeshee dowladda Mynmar ayaa sheegtay in mintidiin hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda an weerarro ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin booliska.

Muslimiinta Rohingya ee ku nool dalka Burma ayaa loo diiday xuquuqda wadanimo iyo degaan ee ay ku leeyihiin dalkaas, waxaana muddo dheer ciidamada wadankaas ay ku hayeen xasuuq, kumanaan qof oo shacab ah ayayna laayeen ciidamada Burma.

Dhibaatada lagu hayo Muslimiinta Rohingya ayaa waxaa indhaha ka qabsaday wadamada Islaamka, marka laga reebo dowlada Turkiga oo si kulul u cambaareysay gumaadka lagu hayo dadkaas, waxaana shalay dalka Bangaladesh gaaray Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga iyo xaaska madaxweyne Erdogan iyagoo qiimeynaya dhibaatada heysata Qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee dalkaas u soo cararay si ay kaalmo u gaarsiiyaan.









LEAVE A REPLY