Deg Deg:- Faafahino dheeraad ah Oo ka soo baxaya werar Caawa...

Deg Deg:- Faafahino dheeraad ah Oo ka soo baxaya werar Caawa ka dhacay degaanka Bali Busle ee Gobolka Mudug

0
SHARE

Wararka ka imaanaya degaanka balli busle oo qiyaastii 115km kaga beegan magaalada Gaalkacyo dhanka Bari ayaa sheegeya in kooxo hubeysan ay werar ku qaadeen caawa fiidnimadii, kaas oo uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay ilaa 4ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana ay ku dhawacmeen,kuwaas oo ahaa sida la sheegay ciidamo ka tirsanaa kuwa maamulka puntland oo ay werar ku qaadeen koox maleeshiyo xoolo dhaqata ah oo ka soo jeeda dhanka Galmudug oo ay maalmihii la soo dhaafay ay dilal aan kala go’lahay ku hayeen ciidamada puntland ee fadhigoodu yahayn degaanka godad iyo balli busle.

wararka ayaa intaas ku daraya in ay jirto cabsi laga qabo dagaalo halkaas ka dhacaan madaama ay maalmihii tagay ay xiisad colaadeed ka taagnayd degaanadaasi.

Illaa iyo hada majirto cid ka hadashay dhacdadaan caawa ka dhacay degaanka balli busle ee gobolka mudug oo ka tirsan labada maamul Galmudug iyo puntland hase ahaate shalay ilaa habeen hore ayey xiisad dagaal ka taagnay degaanadaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada puntland iyo dadka xoolo dhaqatadaa ee ka soo jeeda maamulka Galmudug.

Halkaan naga la soco wixii warar ah oo soo kordha.

LEAVE A REPLY