Deg Deg :Kooxda loo soo Diray in Madaxweyne Xaaf Xilka ka Tuuraan...

Deg Deg :Kooxda loo soo Diray in Madaxweyne Xaaf Xilka ka Tuuraan oo Gadiid iyo Cidamo ka Dalbaday Gaalkacyo kana Codsaday Mid ka Mida Beelaha Sacad ee Galmudug Kadibse Maxa dhacay>

0
SHARE

HM))Xafiiska  Cadado : Warar lagu kalsoon yahay oo Xafiiska Warqabadka Hobyomedia.com e Cadado ku soo dhacay aya Waxa uu shegaya in Garabka ka Soo Horjeeda Madaxweynaha Mamulka Galmudug ahmed Ducale Gelle Xaaf ay Gaalkacyo ka Dalbadeen Gadiid Dagaal ito Sidoo kale Ciidamo

Wararka aya Shegaya in ka Mid ka Mida Shaqsiyaadka Hogaaminaya Olalaha looga soo horjedo Madaxweyne Xaaf isla markan Dowlada Soomaliya ay u soo dirtay in Meesha uu ka saro madaxweyne xaaf in uu la Xiiray Odayaal iyo Waxgarad ka Soo Jeeda  Mid ka Mida Beelaha Sacad  ee Galmudug

ugu Yaraan Gadiid Dagal oo Garaya 4 Baabuur aya Waxa ay ka Codsadeen Mid ka Mida Beelaha Galmudug  ee Gaalkacyo ,Waxana Sidoo kale ay dalbaden Ciidamo ku Waardiyeeya Hoteelka ay dagan yihiin

Sarakiisha Lamaaha Amaanka Galmudug aya ku Guulaystay in ay isku Hor istaag ku Sameeyaan Gadiidka Dagaalka oo la rabay in Gaaklacyo laga soo kaxeeyo isla markana la keeno magalada cadaado

Odayaasha beelaha aya la gaarsiiyay  fariin in aysan garab siinin cid walba oo duminaya maamulka galmudug waxana ay ugu danbeyn aqbaleen go,aankaasi taa oo sahashay in saraakiisha ciidanka galmudug ay joojiyaan gadiidka dagalka iyo ciidan badan oo  garabka dowlada somaliya ay wadato ay rabeen in cadado ay kenaan

Xalada Cadaado aya Wali kacsan ,waxa wali xabsi guri ku jira Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamanka sidoo kale Waxa Qaska siyaasada galmdug lagu edeynaya in uu horkacayo  ahmed shariif cali hilowle oo horay musharax madaxweyne u noqday

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com 

LEAVE A REPLY