deg deg :Musharax Maxamed Cabdi Waare oo ku horeeya cododka wareega 1aad...

deg deg :Musharax Maxamed Cabdi Waare oo ku horeeya cododka wareega 1aad ee doorashada

0
SHARE

Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedya Hirshabeelle, iyadoo Musharax Maxamed Cabdi Waare uu ku horeeyo cododka wareega koowaad.

Doorashada oo ah mid xiiso leh ayaa Musharax Maxamed Cabdi Waare uu la soo baxay dar dar aad u xooggan, waxaana uu hada ku hoggaaminayaa 45 cod

Sidoo kale Musharaxa ku xiga Daahir Cabdulle Cawaale ayaa leh 20 cod, halka Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax Laqanyo iyo C/naasir xaaji Shirwac ay leeyihiin min 6 cod.

Inkastoo sida sharciga uu yahay wareega labaad waxaa u soo gudba afarta musharax ee ugu horeysa, hadana waxaa la saadaalinayaa in labo musharax ay isugu soo hari doonaan oo ah kuwo hada ugu cododka badan sida Waare iyo Cawaale.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in illaa 19 cod ay halaabeen, isla markaana si qaldan waraaqada cod bixinta ay ugu codeeyeen Xildhibaanada.

Waxaa lagu wadaa in goor dhow lagu dhawaaqo natiijada cododka wareega koowaad ee doorashada iyo sida loo kala horeeyo, iyadoo Guddiga Doorashada lagu wado inuu ku dhawaaqo

LEAVE A REPLY