DEG DEG: Musharax Waare iyo Cawaale oo isugu soo haray wareega ugu...

DEG DEG: Musharax Waare iyo Cawaale oo isugu soo haray wareega ugu dambeeya ee doorashada

0
SHARE

Musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Musharax Daahir Cabdulle Cawaale ayaa isugu soo haray wareega ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaddib markii ay ka tanaasulee wareega labaad Musharaxiinta kala ah Cabdi Faaraq Laqanyo iyo C/naasir Xaaji Shirwac.

Musharax Maxamed Cabdi waare ayaa wareega koowaad helay codod dhan 44 cod, halka Musharaxa kale ee ku xigay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 20 cod.

Labada Musharax ee ku dhawaaqay inay tanaasuleen oo helay min lix cod ayaa go’aansaday inay tartanka isaga haraan, maadaama aysan helin codod badan, sidaas ay fursad ugu siiyeen labada musharax ee ugu codka badan inay ku tartamaan si toos ah wareega ugu dambeeya.

Musharax Maxamed Cabdi Waare ayaa u baahan kaliya lix cod, si uu u guuleysto, hadii uu mar kale xaqiijiyo cododkii uu helay wareega hore ee ahaa 44 cod, inkastoo wareega ugu dambeeya lagu kala bixi doono cod hal dheeri ah.

Inkastoo ay xumaadeen illaa 18 cod, waxaa la rumeysan yahay in cododkan ay natiijada ay aad wax uga bedeli karaan, cidii labada Musharax hesho.

Dad badan ayaa saadaalinaya in Musharax Maxamed Cabdi Waare uu qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto.

LEAVE A REPLY