Dhacdo :-Gabar in dharkeedu caado leeyahay fasalka looga saary oo is dishay

Dhacdo :-Gabar in dharkeedu caado leeyahay fasalka looga saary oo is dishay

0
SHARE

Gabar 12 jir oo ku nooleyd koonfurta dalka Hindiya ayaa is dishay ka dib markii macallinkii waxbarayay uu dadka hortooda ku bahdilay, maadaama dharkii ay xirneyd uu ka muuqday dhiiga caadada gabdhaha.

Inkastoo gabadha aysan sheegin in macallinka uu cebeeyay, haddana hooyada dhashay gabadha waxaa ay sheegtay in macallinka uu gabadha ku amray inay ka baxdo fasalka maadaama dhiiga caadada uu ka muuqday dharkeeda.

Sidoo kale warqad laga helay goobta ay gabadhu isku dishay ayay ku eedeesay in macallinka uu jirdilay, waxayna intaa ku dartay in aysan garaneyn sababta macallinkeeda uu u ciqaabay.

Dhiiga caadada ee gabdhaha ayaa qeybo kamid ah dalka Hindiya looga arkaa wax ceeb ah, waxaana dhaqan ahaan dumarka dalka Hindiya loo arkaa kuwa aan nadiif aheyn xiliyada caadada.

Booliska dalkaasi ayaa sheegay inay baarayaan falkani ka dhacay degmadaTirunelveli ee gobolka Tamil Nadu.

Hooyada dhashay gabadha ayaa ku eedeesay macallinka skoolka in si xad dhaaf ah uu u garaaci jiray gabadheeda , waxay intaa raacisay in markii gabadheeda ay u sheegtay macallinka in uu ku dhacay dhiiga, la siiyay maro wasaqah si ay isaga tirto dhiiga, ka dib na lagu amray inay banaanka uga baxdo fasalka.

Warbixinta iyadoo English ah  ku dhufo Qaybta Hoose

LEAVE A REPLY