Dhageyso Barlmaanka Galmudug oo Cadeyay Mowqifkoda,iyago Sheegay in Farmajo iyo Kheyre ay...

Dhageyso Barlmaanka Galmudug oo Cadeyay Mowqifkoda,iyago Sheegay in Farmajo iyo Kheyre ay Lacag ku Bixinayan Burburinta Galmudug

0
SHARE

Xildhibaan Qaasim Maxamed Cali oo ka mid ah Mudane-yaasha Golaha Baarlamaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka hadlay Go’aanka ay ka qaateen Khilaafka Dowladaha Carabta ayaa sheegay in Madaxda Galmudug isku Raacsan yihiin Mowqifka Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf),

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Dowlada dhexe ee Soomaaliya ay Faragelin toos ah ku heyso Dowlad Goboleedka Galmudug Arinta ugu weyn ee lagu eedeynayana ku tilmaamay iska horkeenka Madaxda Maamulka Galmudug,

Waxa uu shaaciyay inay socdaan dhaq dhaqaaqyo ka imaanaya dhinaca Xafiiska Reysul Wasaaraha Dowlada dhexe Xasan Cali Kheyre uu iska hor keenayo Madaxda Galmudug oo la doonayo in la mariyo Dowlada Galmudug Wadadii Hirshabelle ee Madaxweynahii Maamulkaasi lagu Riday Hab sharci daro ah oo ay Xukuumada dhexe Gadaal ka riixayso, Ugu dambeyntii Xildhibaan Qaasim Maxamed Cali waxa uu ka digay inay Dowlada dhexe faraha kala Baxdo Go’aanada Siyaasadeed ee Madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug,

HALKAAN KA DHAGEYSO

LEAVE A REPLY