Dhageyso bulshada iyo Odayaasha Gaalkacyo oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho...

Dhageyso bulshada iyo Odayaasha Gaalkacyo oo Sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho Marti ku Yahay ,Galmudugna uusan Burburin karin Shaati Walba uu soo Xirto

0
SHARE

Kulankaan oo ahaaa mid ay iskugu imaadeen odoyaasha dhaqanka ururka haweenka ururada dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo ayaa waxaa looga hadlayey arimaha Siyaasada Ee ay kula kala aragti duwanadeen masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa waxa ay cambeereeteen faragalinta qaawan ee dowlada Somaaliya ay ku leedahay xiisada kala qaybisay madaxda sare ee Galmudug iyagoona baaq udiray dhinacayada isku haya xiisada siyaasadeed ee ka aloosan madaxda sare ee Galmudug.

Dadkii ka hadlay kulanka ayaa tageero la garab is taageen madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Go’aankii uu isku garab taagay Xulifada Sucuudiga dhanka kalena waxay bogaadiyeen dadaalada ay wadaan xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeda degaanada oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada cadaado iyo war murtiyeedkii ay soo saareen kulamadii ay la qaateen madaxda.

Hooka ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY