Dhageyso Dad lagu Dilay Shalay Bariga Gaalkacyo oo Sababay in Labada Dhinac...

Dhageyso Dad lagu Dilay Shalay Bariga Gaalkacyo oo Sababay in Labada Dhinac Galmudug iyo Puntland ay Mar kale isku Hub Gurtaan ,Xiisad Tagaan

0
SHARE

Duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu dilay 3 Qof oo rag ah iyo dhawaca haweenay kadib markii gaari ay saarnaayeen loo galay wadda xiriirisa Gacnafale iyo deegaanka Godod ee gobolka Mudug.

Dilkan ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan ay wadda u galeen gaari u safrayey magaalada Gaalkacyo  iyagoo xiligaasi ka hor ka yimid degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Dhimashada 3 Qof iyo dhawaca Haweentan ayaa yimid kadib markii gaari ay saarnaayeen lagu gubay isla markaana gaarigaasi uu dhamaan gubtay sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Hoos  Ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY