Dhageyso Hay’ada culumada Soomaaliyeed oo Shegtay in uu diinta ka Baxay Cabdi...

Dhageyso Hay’ada culumada Soomaaliyeed oo Shegtay in uu diinta ka Baxay Cabdi Wali Sh Cali Cilmi Yare iyago ka Codsaday Dowlada Somaliya in Galmudgu ay ka Gacan siiso Soo Qabashadiisa

0
SHARE

Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saaray arrinta ku aadan mid kamid ah Culumada ku nool Magaalada gaalkacyo oo dhawaaan soo bandhigay sawirka Nin kale kaas oo u ku sheegay in uu yahay Nabigeena Muxamed NNKH.

Majmaca oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay bayaankooda ku sheegeen in ninka soo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena NNKH uu Diinta Islamka ka baxay sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa waxa ay ugu baaqeen Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Biloow Sheekh Xuseen oo ah Shaqsiga sawirkiisa la adeegsanayay in uu mowqifkiisa cadeeyo wallow isna uu hadlay oo uu sheegay in arrintaan uusan wax lug ah ku laheyn.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY