DHAGEYSO:-Wasiir Galmudug ka tirsan oo Ka Hadlay Wajigii 1aad Khalinta Khilaafka Galmudug...

DHAGEYSO:-Wasiir Galmudug ka tirsan oo Ka Hadlay Wajigii 1aad Khalinta Khilaafka Galmudug , Wxa la isku afgartay Labad dhinac iyo Shirar Xasasi ah oo Wali Soconaya

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado Kulan Xasaasi ayaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug uga soconaya Madaxda Maamulkaasi iyo Wafdi Xildhibaano ah oo maanta Gaaray halkaasi,

Kulanka oo ay dalbeen Xildhibaanada Maanta Gaaray Cadaado oo isugu jira kuwa Aqalka sare iyo Golaha Shacabka ayaa la soo fariisiyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir,

Wajigii koowaad ee kulamada dhex dhexaadinta ah oo Galabta ay Xildhibaanadu si gaar gaar ah ula yeesheen dhinacyada uu khilasafku u dhexeeyo ayaa la sheegay inuu ka dhashay is faham kooban oo suurageliyay inay dhinacyadu is hor fariistaan,Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed ayaa sheegay halka ay dhex dhexaadinta ka bilaabeen Gudiga Xildhibaanada ah, Waxyaabaha u suuragalay iyo Muhiimada Qodobada la isku fahmay,

HALKAAN KA DHAGEYSO

 

LEAVE A REPLY