DHAGEYSO XOG RASMI AH: Maxaa ka jira in Golaha Shacabka loo Gudbiyay...

DHAGEYSO XOG RASMI AH: Maxaa ka jira in Golaha Shacabka loo Gudbiyay Mooshin la dhan Kheyre?

0
SHARE

Maalimihii u dambeeyay Warbaahinta qaar ayaa sheegeysay in guddoonka baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya  balse taasi been abuur lagu tilmaamay.

Xogheyaha Baarlamaanka  Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in Wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaana aysan jirin wax qaraar ka dhan ah Xukuumadda oo Guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay.

Waxa uu sheegay in markii ay xukuumadda Soomaliya ay soo saartay Go’aankii lagu wareejiyay Cabdi Kariin muuse Qalbi Dhagax ay arrintaan timid.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiga joogtada ee Baarlamaanka markii ay maqleen arrintaan iyaga oo ka jawaabaya ay ka fariisteen,isla markaana ay u gudbiyeen Golaha Shacabka ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka ay guddi ka soo tala bixiya  u Magacaabeen.

Tan iyo markii ay soo baxday wareejinta Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa madaxda Ururka ONLF waxaa arrintaasi ka abuurmay guux Siyaasadeed kaas oo ka dhex abuurmay Xukuumadda dhexdeeda iyo waliba Shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY