Dhageyso Xog Sir ah Wasiirada Galmudug oo Shaaciyay Magacyada Siyaasiyiin Caan ah...

Dhageyso Xog Sir ah Wasiirada Galmudug oo Shaaciyay Magacyada Siyaasiyiin Caan ah oo ay Dowlada Farmaaajo u wado Madaxweyne-nimada Galmudug

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo Kulamo Siyaasadeed ayaa lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug halkaasi oo ay weli ka taagan yihiin Xiisado Siyaasadeed oo Xoogan, Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Maamulka Galmudug Axmed mise faafaale ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad matalaya dowlada dhexe oo loo soo diray inay dumiyaan Galmudug,

Wasiirka ayaa cadeeyay Magacyada shaqsiyaad ay Galmudug aaminsan tahay in Dowlada dhexe ee Soomaaliya ay u soo dirtay duminta Dowlad Goboleedka Galmudug kuwaasi oo la Ogaaday Saacadihii la soo dhaafay, Wasiir faafaale oo wareysi kulul laga qaaday ayaa Qeexay Magacyada Raga lagu helay Arintaasi oo uu sheegay inay ku jiraan Siyaasiyiin Caan ah oo ka soo jeeda Gobolada dhexe,

Madaxweyne Farmaajo iyo Reysul Wasaare Kheyre ayaa Wasiir Faafaale ku sheegay inay ka shaqeynayaan Duminta Dowlada Galmudug iyo sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Xaaf oo loogu bedeli lahaa Siyaasi kale,

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY