Dowlad Gobaleedyada Somaliya oo Heshiisyo Hoose la Galay Dowlada Sacuudiga ,iyo Mamulka...

Dowlad Gobaleedyada Somaliya oo Heshiisyo Hoose la Galay Dowlada Sacuudiga ,iyo Mamulka Galmudug oo Noqday Maamul Gobaladii 4aad ee Tageray Xulufada Sacuudiga

0
SHARE

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka mid noqday maamul goboleedyada Soomaaliya ee taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ee xiriirka u jaray Qatar.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Galmudug ay garab taagan tahay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, oo lagu sheegay in xiriir soo jireen oo taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay go’aan ka gaartay 6-dii bishii June, iyadoo aan la tashanin dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxay saameyn doontaa dhamaan Soomaalida oo dhan meel kasta” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho ay ku wargeliyeen in Xukuumadda Soomaaliya aanay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadan karin arrimaha Khaliijka, sababo ku aadan xiriirka taariikhiga ah iyo istiraatiijiga ay la leeyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka .

“Waxaan si cad u qireynaa in Soomaalidu iyo Sucuudi ay leeyihiin xiriir wanaagsan, oo dib ugu noqda bilowga Islaamka iyadoo lala xiriirinayo xiriiro dhaqameed oo dheeri ah iyo ganacsi”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka oo dowladda Soomaaliya looga codsaday inay dib u eegto mowqifkeedii dhex dhexaadka ee ay ka qaadatay xiisada Khaliijka.

Galmudug ayaa noqotay Maamulkii afaraad ee taageera isbaheysiga Sacuudiga ee xiriirka u jaray Qatar, waxaana horey mowqif kaasoo kale ah u qaatay Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed, iyadoo maamulka kaliya ee aan arintan weli ka hadlin uu yahay Juballand.

Press Release
The Position of Galmudug State of Somalia on the Issues of Gulf States

The Federal Government of Somalia has taken a decision in June 6 2017, which was made without consultation with the Somali Federal States, and it will affect all Somalis in everywhere.

We already stated in the last leadership forum held in Mogadishu that the Somali Government cannot take a neutral position because of our historical relationship as well as the strategic partnership we have with UAE and Saudi Arabia.

Moreover, Somalia has commercial relationship and biggest trading with UAE for decades, and we cannot ignore the sustainable development and security that the UAE always stand with the Somalia, Governmentally and Socially. We absolutely acknowledged that the Somalis and Saudis have well relationship, which go back to the beginning of Islam with additional deep cultural and commercial relationship up to now.

Meanwhile, Somali Government has requested to review its position and take to account the concern of the States but the pressure of the time and uncompromising of Federal Government position on this situation and protecting the public interest, Galmudug State of Somalia has no choice but to stand with UAE and Saudi Arabia for their noble pursuit to fight against extremism in any form and their firm stance on relations to this issue.

THE END

LEAVE A REPLY