Faah Faahin :Al-Shabaab oo deg deg uga jawaabtay eedeymaha sheegaya inuu xiriir...

Faah Faahin :Al-Shabaab oo deg deg uga jawaabtay eedeymaha sheegaya inuu xiriir kala dhexeeyey Qalbi dhagax

0
SHARE

Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay war ka soo baxay Dowlada Soomaaliya oo lagu sheegay in Sarkaalkii Jabhada ONLF ee dhawaan loo gacan geliyay dowlada Itoobiya uu xiriir la lahaa Xarakada Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu faafiyey goor dhow baraha internetka ee taageera kooxdaas ayaa lagu yiri “Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag iskaga fogeynayaan hadal kasoo yeeray kooxda Farmaajo, oo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) kana tirsan jabhada ONLF uu iskaashi la lahaa Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay sheegtay in haba yaraatee wax xiriir ah aysan la laheyn C/kariim Sheekh Muuse oo Qalbi dhagax ku magac dheeraa.

“Ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Xarakada Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo kooxda Farmaajo ay ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay Qalbi-Dhagax ugu gacan geliyeen Itoobiya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay

LEAVE A REPLY