Madaxweyne Xaaf oo ku Sugan imaaradka Carabta Kadib Markii uu Tageray Xulufada...

Madaxweyne Xaaf oo ku Sugan imaaradka Carabta Kadib Markii uu Tageray Xulufada Sacuudiga ,Kulamo Xasaasi ah oo Socda

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay go’aankii maamulkiisa ku taageeray Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta .

Waxa uu sheegay Xaaf in uu ku saxan yahay go’aankii uu ku taageeray Maamulkiisa Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka, waxa uuma sheegay in dowlada Dhaxe kala tashaneyn danaha dadka iyo Deegaanka Galmudug ee dalka Dibadiisa.

”Hadii dowlada Federaalka tiraahdo lacagaha ama dhaqaalaha reer Galmudug u yaala Dubai ama Sacuudiga u yaala ama xoolaha jooga Soomaaliya in la dhoofiyo ma waxaan kala tashanayaa ninka Xamar joogo kala tashan maayo ” Auu yiri Madaxweyne Xaaf.

Mar la weydiiyay Xaaf in go’anakii ay qaateen kala tashteen dowlada Federaalka ayuu ka leex leexday jawaabta arintaasi , waxa uuna sheegay in ay ka go’an tahay in ay qaraabtaan oo u tashdaan dadkooda iyo deegaankooda .

”In aan Qaraabo oon caradeena iyo dadkeena u tashano waa wax naga go’an’ dadkayaga iyo dhaqaalah Dubai naga yaala iyo xoolaha aan dhoofsaneyno ayeynu ku daneesaneynaa waa dantayada” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sheegay Xaaf in uu xiligan isaga iyo Madaxweyne kale ay joogaan dalka Imaaraatka Carabta oon lagu casuumin, waxa uuna sheegay in dalkaasi u tageen sidii Imaaraatka ugu sheegi lahaayeen in aysan raali ka aheyn go’anakii dowlada Federaalka ka qaadatay Xiisada Khalijka.

”Waxaan hada joogaa Abuu Dubai nalguma casuumin, Maamul goboleedyada kalana waa joogaan ,in arintaa nafteeda saraaxo u siino oon nirahano dadkeena wax hanaga yeelinaya , go’aankaas uu maamulka sare qaatay kuma raacsanin hadaan nahay maamul goboleedyada intaas ayaan u joognaa ” Ayuu yiri Xaaf.

Maamul goboleedyada dalka ayaa u muuqda kuwa lasoo baxay hab dhaqan aad u fool xun, waxa ayna Dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira marka laga reebo Jubbaland taageereen go
‘aankii Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ku go’doomiyeen dowlada Qadar.

LEAVE A REPLY