Ra,iisul Wasarayaasha Somaliya iyo Ethopia oo Wada Hadlay , Xog Xasaasi ah

Ra,iisul Wasarayaasha Somaliya iyo Ethopia oo Wada Hadlay , Xog Xasaasi ah

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhiggiisa Itoobiya Hailemariam Desalegn kala hadlay sii deynta Maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada Itoobiya.

Sida ay faafisay Wakaalada wararka ee SONNA Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si gaar ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kala hadlay sidii maxaabiis ku haray xabsiyada Itoobiya loo sii deyn lahaa, kuwaasoo uu ka mid yahay Wariye Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in todobaadyada soo socda Muqdisho laga soo dejin doono Maxaabiis horay Maxkamadaha Itoobiya u xukumeen oo ku jira xabsiyada dalkaas.

Lama oga sii deynta Boqorka Bartamaha inay qeyb ka tahay is weydaarsi maxaabiis oo dhex maray labada dal.

Hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in sii deynta Maxaabiista la sheegay inuu ku jiro Boqorka Bartamaha ay tahay mid lagu dejinayo xiisada ka dhalatay dhiibiddii C/kariin Qalbi Dhagax oo aanay wali ka hadlin dowladda Soomaaliya.

bishii hore  ayaa la ogaaday  inuu socdo dadaalo diblomaasiyadeed oo la doonayo in lagu sii daayo Wariye Maxamed Aweys Muudey Boqorta Bartamaha oo aan ka mid noqon maxaabiistii 114 ee bil ka hor laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo la keenay Muqdisho.

Lama oga waxa ay ka bedeli doonto xiisada ka dhalatay arrinta Qalbi Dhagaxa, hadii la sii daayo Maxaabiista ay ku jiraan Boqorka Bartamaha ee sanadaha ku xirnaa Xabsiyada Itoobiya,

Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo 50 sano-jir ah ayaa laga xiray Addis Ababa bishii November, 2013, iyadoo lagu eedeeyay waxa loogu yeeray inuu ka qeyb qaatay fal argagaxiso, waxaana habka su’aallo weydiintiisa loo cuskaday sida uu qabo sharciga la dagaalanka argagaxisada ee Itoobiya, waxaa lagu xukumay muddo 27 sano oo xabsi ah.

LEAVE A REPLY