(Sawiro-Dhageyso) Maamulka iyo Ardayda Jaamacada Gaalkacyo University oo Codsi u diray Qurba...

(Sawiro-Dhageyso) Maamulka iyo Ardayda Jaamacada Gaalkacyo University oo Codsi u diray Qurba Joogta Soomaliyed

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo Jaamacada Gaalkacyo Univesity oo ah Jaamacada Ku Taalla Magalada Gaalkacyo Loona Furay Soo Saarida Aqoonyahano Tayo leh Ayaa sanadihii ugu dambeysay waxaa ay waday Qorshayaal ay ku Caawineysay Ardayada Dooneysa in ay sii wataan Waxbarashadood Jaamaceed kuwaasi oo aan awoodin in ay iska Bixiyaan khimada Jaamacada Maadama Jaamacada Hadafka Loo Furay ay aheyd Soo Saarida Ardayd ka dhax Muuqda Gobolka lana caawiyo kuwa aan awodin waxbarashaIn ka badan 25 Arday ayaa hadda si lacag La”aan ah wax uga Barta Jaamacada kuwasi oo sheegay in aysan awoodin in ay iska Bixiyaan Lacagta Jaamacada iyadoona Masuuliyiinta Jaamacada GU ay tilmaamen in loo baahan yahay in dadka soomaliyeed ee ka soo jeeda Galmudug ama kuwa jecel hormarka waxbarashada in ay qeyb qaatan sidii Khidmada Jaamacada ay ugu taageeri laahyeen 25 Arday maadama Madaxda Jaamacada ay sheegen in culeys ay ku tahay ardayasi badan oo si bilasha ah wax loo baro.

Gudoomiyaha Jaamacada Gaalkacyo Univesity Prof Cabdiqaadir Maxamed Shirwac ayaa sheegay in jaamacada ay soo wajahday Daruuf adag loona Baahan yahay in ay ka qeyb qaataan sidii loo taageeri lahaa jaamacada isagoona intaasi ku daray in Jaamacada GU ay qaban jirtay Ardayda si lacag L”aan wax lagu baro balse hadda  culeyska uu sidi hora uu ka badan yahay loona baahan yahay Taakuleyn Deg deg ah .

Hoos ka Dhageyso Codka Prof Shirwac

Dr Maxamed Cabdi Axmed Oo ah Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo kana mid ah Madaxda Jaamacada ayaa tilmaamay in intabadan  gudigii gacanta ku hayay jaamacad aysan hadda gacanta ku haynin loona baahan yahay in qurba Joogta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Galmudug in ay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa jaamacada .iyo Qaabkii ardayda aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta in la caawiyo .

Hoos ka Dhageyso Codka Agaasimaha Isbitaalka

Dhinac Kale Qaar ka mid ah Ardayda Sida Lacag La”aanta wax uga Barta Jaamacada Gaalkacyo Univesity ayaa ka codsay Qurba Joogta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Galmudug in ay gacan ay ka geystaan sidii ay uga caawin lahayeen Qarashaadka Jaamacada Maadama Sida ay tilmamen Culeysa Weyn uu soo fuulay Jaamacada Sanadkani.

Hoos ka Dhageyso Cododka Ardayda

Hoos ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY