War Dag Dag ah :Maamulka Galmudug Ayaa Amar Kubixiyay In Lasoo Xiro...

War Dag Dag ah :Maamulka Galmudug Ayaa Amar Kubixiyay In Lasoo Xiro Nin Nabiga NNKH Ugafey Oo Ku Sugan Gaalkacyo

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo : War ka soo baxay Maamulka Galmudug  Goor dhaw ayaa amar lagu siiyay ciidamada Maaamulka Galmudug in ay soo Xiraaan   Shaqsi lagu Magacaabo  Shiikh Cabdi Wali kaa oo ku sugan gaalkacyo dhawaana soo saaray sawir muqaal ah oo uu ugu gafay Xabiibkeena Muxamed NNKH

Muqaal uu soo Duubay ayaa waxa uu ka soo Dhax Muuqday wax u eg sawir bani,adan oo uu ku aflagadeeyay Xabiibkeena Muxamed NNKH  isagao shegay in sawirkan uu yahay sawirkii nabiga ,waxana arintan ay xiiisad ka dhax abuurtay bulshada gaalkacyo kadib markii muqaaalka uu soo duubay uu ku dhax faafay baraha bulshada

Maamulka Galmdug ayaa  amray in la soo xiro shaqsigiii muqaalkaasi duubay, waxana culumada Gobalka Mudug ay wadaan kulamo arintan ay uga hadlayaan iyadoona sidoo kale ay jiraan banaanbaxyo  la qorsheynayo in uu gaalkacyo ka dhaco.

ma sahlana in la soo xiro shaqsigaasi marka loo eego marxalada gobalka , waana shaqsi hubaysan lehna ciidamo iyo hub badan  balse waxaa dhici karta in farsamooyin kale loo maro xiritaasi . balse hadii weerar toos ah lagu qaado waxa dhici akra dagaal adag

hadalka ka soo baxay  maanta maamulka galmudug aya waxa si wayn u so dhaweyay bulshada soomaliyeed

sikastaba waxa laga war sugaya ciidamada amaanka galmduug talabada ay qadaaan

wixii  warar ah oo ku soo kordha kala soco hobyomedia.com

LEAVE A REPLY