War Dag Dag Ah:Dagaal culus oo ka socda Barriga Gobolka Mudug &...

War Dag Dag Ah:Dagaal culus oo ka socda Barriga Gobolka Mudug & Khasaaraha soo baxaya

0
SHARE

Dagaal culus Ayaa hadda ka socdo deegaan lagu magacaabo CALI-WAAL oo barriga Gaalkacyo uga beegan masaafo dhan 25KM, una dhaxeeya dhinacyada Puntland & Galmudug, sidda ay sheegayaan wararka Hobyomedia Ay helayso.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay dagaalkan aroornimadii hore ee saaka ay soo qaadeen maleeshiyo ka soo jeeda dhinaca Puntland kuwaasi oo Gaadiid dagaal kusoo weeraray dad xoolo dhaqato ah oo Galmudug kasoo jeeda.

Baabuurta gurmadka deg deg ah ee dhaawacyada qaada ayaa ka baxay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo, waxaana muuqata in uu dagaalkan yahay mid culus.

waxaana jirin hada la ogaado inta uu gaasiisan yahay qasaaraha dhabta ah eee dagaalka madaama wali uu socda.

Kala Soco warkan Wixii Kusoo Kordha Shabakadda Hobyomedia.com insha allah

LEAVE A REPLY