Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalikii Al Shabaab kula wareegeen Balad Xaawo iyo Khasaaro...

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalikii Al Shabaab kula wareegeen Balad Xaawo iyo Khasaaro xoogan oo….

0
SHARE

Dagaalyahano aad u hubeesan katirsanaa Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan waxa ay ku qaadeen Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab ayaa weerarkooda ku bilaabay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Saldhig Ciidamada Jubbaland ku lahaayeen Degmada Balad Xaawo, waxaana qaraxa kadib xigay dagaal toos ah oo Shabaab ku qaadeen saldhiga.

Dagaalyahanada Al Shabaab oo ahaa kuwa aad u hubeesan ayaa markii dambe gudaha usoo galay degmada Balad Xaawo, waxa ayna la wareegeen xarumo dhoor ah oo maamulka Degmada ku lahaa Balad Xaawo.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab inta badan ay qabsadeen Degmada Balad Xaawo ayna la wareegeen xarumo maamuka Degmada lahaayeen, waxa ayna Shabaab dab qabad siiyeen qaar kamid ah xarumihii ay la wareegeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale howlgalo gaar ah ka sameeyay xaafado katirsan Degmada Balad Xaawo, waxa ayna Shabaab albaabada u balaqeen Xabsiga Degmada Balad Xawao ay ku jireen dad dambiyo kala duwan galay kuwaa oo xabsiga ka baxsaday.

Ciidamada amaanka ee ku sugnaa degmada Balad Xaawo ayaa gabi ahaan degmada isaga baxay, waxaana Degmada Madaafiic kusoo garaacay Ciidamada Kenya oo sidoo kale adeegsanayay Diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa markii dambe isaga baxay degmada Balad Xaawo , waxa ayna horey Shabaab usii qaateen hub iyo gaadiid ay ku qabsadeen dagaalkii xooganaa ee saakay ku qaadeen Degmada Balad Xaawo.

Afhayeenka howlgalada ee Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidankooda la wareegeen Degmada Balad Xaawo ayna halkaasi ku dileen in ka badan 20-askari oo katirsanaa ciidanka Jubbaland iyo kan dowlada.

Weerarka Al Shababa ku qaadeen Degmada Balad Xaawo iyo Duqeyn ay geesteen Ciidamada Kenya ee ku sugan Mandheera waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dad shacab ah kasoo gaaray.

Xaalada Degmada Balad Xaawo ayaa hada lasoo sheegayaa in ay degan tahay, waxaana Degmada dib ugu soo laabtay Ciidamadii laga saaray, waxaana hada dadku ku mashquulsan yihiin ogaanshiyaha khasaarihii ka dhashay dagaalka Al Shababa saakay kusoo qaadeen Balad Xaawo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY