Xog : Dowlada Ethopia iyo Xukumada Somaliya oo Barlmaanka Somaliya ka Hortagan...

Xog : Dowlada Ethopia iyo Xukumada Somaliya oo Barlmaanka Somaliya ka Hortagan in ay ka Doodaan Arintii Qalbi Dhagax ,iyadoona Dhaqaalo badan lagu Bixinayo Arinkan

0
SHARE

Xog si hoose loo Helay  ayaa waxay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay u hanjabtay xildhibaannada mooshinka ka wada xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay inoo sheegeen in xildhibaannadan qaarkood looga wacay safaaradda Itoobiya ku leedahay Muqdisho, lagalana hadlay arrinta mooshinka.

Waxaa loo sheegay in si shuruud la’aan ah u joojiyaan mooshinkaasi, haddii kale loo aqoonsan doono iney yihiin qaswadayaal Soomaaliyeed.

Xildhibaannada mooshinka wada hadda waxaa soo wajahay cabsi aad u daran, mana yaqaanaan sida ay wax ka yeello doonaan.

Xildhibaanno aan tiro badneyd ayaa kasoo horjeeda xukuumadda Kheyre oo ay doonayaan iney meesha ka saaraan.

LEAVE A REPLY