Xog:-, Kulan Hoose oo Dhax Maray Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari,iyo Warar Shegaya...

Xog:-, Kulan Hoose oo Dhax Maray Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari,iyo Warar Shegaya in Wasiiro Badan ay Xilalkooda wayn doonaan Maxaa Soo Kordhay>

0
SHARE

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo Afhayeenka Barlamaanka ayaa kulamo saacado qaatay kadib heshiis ka gaaray khilaaf xili hore ka dhashay magacaabidii golaha wasiirada.

Kulankan oo lasoo sheegayo inuu fududeeyay Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yaasiin iyo Xildhibaano ku dhow labada masuul ayaa looga hadlayay sidii isku shaandheyn loogu sameyn lahaa golaha wasiirada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa  sheegay in madaxweyne Farmaajo & Gudoomiye Jawaari ay ku heshiiyeen in la isku shaandheeyo golaha wasiiradda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Gudoomiye Jawaari loo madax baneyn doono inuu wasiir ku lahaado golaha wasiirada marka isku shaandheynta la sameynayo.

Waxaa jira warar sheegaya in Prof Jawaari uu doonayo Wasiirka Maaliyadda, oo uu xilkaas la raadinayo Maxamed Aadan Fargeeti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul Wasaare Kheyre haatan kala tashanaya isku shaandheynta Wasiirada, iyadoo laga cabsi qabo in wasiiro badan ay xilkooda weyn doonaan.

Wasiirada ay seefta dul saaran tahay waxaa kamid ah Wasiirka Gaashaandhiga, Maaliyadda, Arimaha dibadda & Wasiirka Arrimaha gudaha.

Ra’isul Wasaare kheyre ayaase weli ku adkeysanaya inuu ubaahan yahay waqti maadaama wasiirada ay mudo kooban jiraan ayna adag tahay in lagu deg dego isku shaandheyn cusub.

Hadii uu Jawaari helo wasiirka uu mudada dheer raadinayay, waxa ala filayaa in dowlada uu ka yaraado buuqa dhanka baarlamaanka uga imaanaya gaar ahaan mooshinada mar walba la diyaarinayo

LEAVE A REPLY