Xog Muhiim ah Caddeymo muujinaya inuu Axmed Shariif u joogo Cadaado duminta...

Xog Muhiim ah Caddeymo muujinaya inuu Axmed Shariif u joogo Cadaado duminta Galmudug oo la helay

0
SHARE

Waxaan labadii Maalin ee ugu dambeysay idiin soo gudbineynay warbixino ku saabsan inuu Axmed Shariif ka shaqeenayo sidii loo dumin lahaa Maamulka dhisan ee Galmudug isla markaasna uu isaga xilkaas ugu fadhiisan lahaa si sharci ah isagoo ka helayo dowladda Soomaaliya taageero lacageed iyo abaabul siyaasadeed.

Haddaba warbixinadii aan ka qornay Axmed Shariif oo ahaa xog aad u qarsoon oo aysan ogaan karin inta badan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galmudug ayaa waxaa mar qura lagu dhex arkay kiiska Axmed Shariif war murtiyeedkii ay saacado ka hor soo saareyn Xildhibaanadii Cadaado u tagay in Maamulka Galmudug la badbaadiyo isla markaasna aan laga shaqeyn in la isku diro beelaha walaalaha ah ee Maamulkaas ku midoobay.

War muriyeedkaan ayaa lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya usoo dirtay Cadaado Musharax ay usoo dhiibtay lacagtii qaranka loogu adeegii lahaa,  lacagtii mushaarka Shaqaalaha dowladda, Mushaarkii Ciidamada Qaranka oo aan muddo laba bil ah qaadan wax mushaar ah.

Akhriso qodobka uu war murtiyeedka uga hadlay Musharaxa Cadaado fowdada ka wado oo ah Axmed Shariif

Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu dhex sheegay qodob muhiim ah oo aan horey idinla wadaagnay oo ahaa in go’aankii ay soo saareen 17 Xildhibaan lagu qabtay Hotelka uu leeyahay Axmed Qoor Qoor balse u kireysan Musharixii sida xaqqa ahaa Galmudug looga guuleystay Axmed Shariif, akhriso caddeynta muujineysa arrintaan oo laga dhex arkay war murtyeedka ay soo saareen Xildhibaanada xalka u raadinayo badbaadinta Galmudug.

LEAVE A REPLY