Akhriso :Dagaalka Galmudug iyo puntland ,cida hurinayso iyo xogag qorsoon oo la...

Akhriso :Dagaalka Galmudug iyo puntland ,cida hurinayso iyo xogag qorsoon oo la helay

0
SHARE

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dagaal culus oo maanta ciidan kala taabacsan Maamulada Galmudug & Puntland ku dhex maray deegaano dhaca duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dagaalka oo xoogiisu uu ka dhacay Deegaanada Godad, Cali Waal iyo Gacmafuule, ayaa daba socday dagaal laba cisho ka hor halkaasi ku dhex maray xoolo dhaqato ka soo kala jeeda labada dhinac.

Ugu yaraan shan askari oo labada dhinac ah, ayaa ku dhintay dagaalkii maanta, halka labaatan kalena ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira dad rayid ah, oo rasaastu ay ugu tagtey guryahooda.

Odayaasha Dhaqanka iyo Culima’udiinka Gobolka Mudug, ayaa labada maamul ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka ku dhex maraya deegaano dhanka bari kaga toosan Magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha Dhaqanka ee Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo ka soo kala jeeda, ayaa qaarkood ciidamada wada dagaalamaya si deg deg ahi uga dalbaday in ay dagaalka joojiyan, wada hadalna xiisadda lagu qaboojiyo.

Macalin Dheere Sheekh Xasan Jimcaale oo ka mid ah Culima’udiinka Gobolka Mudug, ayaa Puntland iyo Galmudugba ugu baaqay in ay Alle ka cabsadaan, isla-markaana ay colaadda joojiyaan.

Macalin Dheere Sheekh Xasan Jimcaale, ayaa xusuusiyay labada maamul in waxa dagaalamaya ay yihiin dad wada dhashay oo deris ah, loogana baahan yahay in ay joojiyaan dagaalka, oo dadkoodu uun ay ku dhimanayaan.

Sidoo kale dadka reer Gaalkacyo, ayaa waxa uu ugu yeeray in ay ka gudbaan dagaalada soo noq noqday ee u dhaxeeya, maadaama aanu Alle raali ka ahayn in ay dhiigoodu daadiyaan.

Sheekh Mursal Shire Maxamed iyo Sheekh Muxudiin Sheekh Yuusuf Barre, ayaa iyaguna hadalkoodu ku xoojiyay in labada maamul ay ku boorinayaan joojinta xiisadda u dhaxeysa ee ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda Puntland, C/fitaax Xasan Xuseen (Waloore), ayaa sheegay dagaalku dhibaato mooyee aanu xal lahayn, isagoona bulshada ugu baaqay in ay u istaagaan joojinta colaadaan.

Dagaalada labada dhinac oo ku soo noq noqday Gobolka Mudug, ayaa marar badan shirar laga yeeshay, markastoo uu heshiis dhacana dhiig joojin uma noqdo in colaadda laga gudbo.

LEAVE A REPLY