Akhriso : MidDowladaha Ugu Quwada Wayn oo Ciidankeeda ka Mamnuucday in ay...

Akhriso : MidDowladaha Ugu Quwada Wayn oo Ciidankeeda ka Mamnuucday in ay isticmalaan Faceebok iyo Baraha kale ee Bulshada Maxay Tahay Sababtu?

0
SHARE

HM_Xafiiska Maalmo Sweden:Dowlada Ruushka oo kamid ah Dowladaha dhinaca milatariga ugu awooda badan caalamka ayaa amar cusub kusoo rogtay Ciidankeeda isticmaala Baraha ee Bulshada kuwada xariiraan sida Facebook ,Twitter iyo baraha kale ee caanka ah.

Wasaarada Gaashaandhiga Ruushka ayaa soo saartay Sharci cusub oo Ciidamada dalkaasi ka mamnuucaya in ay sawiro iyo Muuqaalo iska qaadaan kadibna ay soo dhigaan Baraha Bulshada ku xariirto.

Ciidamada ayaa gabi ahaan lagu amray in sawiro , Muuqaalo iyo waxyaabaha kale ee soo dhigaan baraha bulshada, waxaana Wasaarada Gaashaandhiga ay ka cabsi qabtaa in sawirada ciidanka ay baraha bulshada galiyaan lagu ogaanayo xogooda.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa aaminsan jiritaanka hab fudud oo lagu ogaan karo halka uu joogo qofka Baraha bulshada soo dhiga Sawiro ama Muuqaal, waana mida keentay shartcigan cusub ee lagu soo rogay Ciidanka Ruushka.

Muuqaalo iyo Sawirro ay soo dhigeen Ciidamo Ruush ah ayaa kal hore lagu ogaaday in ay joogaan qeybo kamid ah dalka Ukraine, waxa ayna taasi keentay in la ogaado sir badan ay Wasaarada Gaashaandhiga qarineysay.

LEAVE A REPLY