DAAWO Khudbadii Xamaasada laheyd ee MD Farmaajo, Jawaabta ay ka bixin doonaan Qaraxii Zoobe & dalalkii Garab istaagay..

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa ku hanjabay inay ka jawaab celin doonaan weerarkii argagixiso, ee maalintii Sabtida ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya oo lix kun oo qof kala qaybgalay isu soo bax lagu qabtay Garoonka Conis ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in ay si deg deg ahi kaga jawaabi doonaan weerarkaasi.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in musiibadan dhacday ay ahayd dhibaato culus oo taabatay dareenka shacabka Somaliyeed, ayna ku bedeli doonaan midnimo iyo wadaniyad, oo ay ugu horeysay in dhalinyarada Somaliyeed ay u kacaan dalkooda, si lamid ah, sida dhalinyaradii ka horeysay ee dalkooda mugdiga ka saartay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA & GO’AANKA MD Farmaajo

Fikradaha Akhristayaasha (0)




> Mike Edwards Authentic Jersey 
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements