Daawo Muqaalka : Barlmaanka Labada Aqal oo Shegay in Farmaajo uusan Kursiga...

Daawo Muqaalka : Barlmaanka Labada Aqal oo Shegay in Farmaajo uusan Kursiga sii Fadhineen Hadii uu Dumiyay Galmudug iyago Shegay in uu Marayo Wadadii Siyaad Bare

0
SHARE

Xildhibaan Axmed Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay xiisada ka dhex aloosan dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dhaqaalaha Qaranka u adeegsaneyso burburinta maamulka Galmudug, balse ay iminka sameeyen dadaal looga hortagaayo arrimahaasi.

Waxa uu Xildhibaan Fiqi sheegay in ujeedkooda uu yahay in xal laga gaaro xiisada dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug, iminkana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan talaabooyin lid ku ahaa xasiloonida Galmudug.

Waxa uu Fiqi tilmaamay in Madaxweynaha iyo Wasiirada qaar ay kala hadleen xiisada Galmudug iyo inaan dhaqaalaha dowlada loo adeegsan burburinta maamulka curdunka ah, waxa uuna cadeeyay inay ku kala tageen isku soo laabasho iyo wada tashi nasiib daro aawgeed aan dib loogu soo celin wax war ah.

Hoos ka Daawo Muqaal Dhamaystiran

LEAVE A REPLY