Daawo Sawirada Banaanax loogu Baroor Diiqayay Dadkii lagu Laayay Qaraxii Soobe oo...

Daawo Sawirada Banaanax loogu Baroor Diiqayay Dadkii lagu Laayay Qaraxii Soobe oo Gaalkacyo Maanta Lagu Qabtay

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo Maanta Gaalkacyo  waa ay ka duwan tahay Maalmihii la soo dhaafay waxaa inta badan xiran Goobaha Ganacsiga iyo Wadooyinka qaar, waayo waxaa ka jira Dibadbaxyo Waaweyn kuwaas oo Magaalada laga dareemay.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Gaaalkacyo , iyo ardayda  ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada kuwaas oo aad uga xun falkii lagu xasuuqay Boqolaalka shacabka ah ee Sabtidii ka dhacay Magaalada muqdisho.

Shacabka oo aan looga baran hadalada qaarkood ayaa Maanta waxa ay ku dhawaqayeen Erayo ay ka mid ahaayeen dooni meyno Al-Shabaab iyo Erayo kale.

Dadka qaarkood waxa ay  socod ku soo mareen wadooyinka magaalada gaalkacyo waxana sidoo kale banaanaxa qayb ka ahaa  masuuliyin ka tirsan Maamulka galmudug Gaar ahaan Maamulka gobalka mudug iyo Sidoo kale Kan Degmada Gaalkacyo

W/Q/ Hanad Abdi Farah 

Gaalkacyio-Somalia 

Hoos ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY