Daawo Sawirada faahfaahin: Weerar ka dhacay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga

Daawo Sawirada faahfaahin: Weerar ka dhacay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga

0
SHARE

Ciidamada amniga dalka dowlada Sacuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar koox hubeysan ku soo qaadeen qasriga boqortooyadda Sacuudiga ee ku yaalla xeebta magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga nin hubeysan ayaa weeraray qasriga boqorka ee la yiraahdo Al-Salaam, kuwaasoo doonayey iney gudaha u galaan.

Israsaaseyn xoogan oo muddo daqiiqado ah socotay ayaa la sheegay iney dhexmartay ciidanka ilaalada qasriga iyo ninka weerarka soo qaaday oo loo malaynayo inuu ka tirsan yahay kooxo Islaamiyiin xagjir ah.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay war kooban oo sheegaya in hal ruux oo ka tirsanaa kooxda weerarka qaaday iyo labo askari oo illaaladda qasriga ka tirsanaa ay weerarkaasi ku dhinteen.

Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa goor dhow shaaciyey in weerarkaas uu soo qaaday nin dalkaas u dhashay oo magaciisa lagu sheegay Mansour bin Hassan Al-Ameri oo 28 jir ah kaasoo ku hubeysnaa qoriga Ak-47.

Waxaa heegan la galiyay ciidamada amaanka ayadoo laga cabsi qabo iney weeraro kale dhacaanm waxaana la xiray dhamaan wadooyinka ku dhow qasriga.

Dowlada Maraykanka ayaa weerarkaas ka dib u digtay muwaadiniinteeda ku sugan Sacuudiga, iyadoo kula talisay iney xadidaan dhaq-dhaqaaqooda isla markaana muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xili boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz oo booqasho ku ku joogo magaalada Moscow ee dalka Ruushka, iyadoo ciidamada Ruushka lagu eedeeynayo iney xasuuq ba’an ka geysteen dalka Siiriya, dagaalada ay kula jiraan kooxda Daacish.


LEAVE A REPLY