Daawo Sawirada+faah faahino cusub Wasiirka Caafimaadka Turkiga Oo Booqday Dadkii Ku...

Daawo Sawirada+faah faahino cusub Wasiirka Caafimaadka Turkiga Oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qarixii Muqdisho Ee Lagu Daweynayo Dalkaas

0
SHARE

Isbitaalka Tabaraka iyo Cilmi-baarista ee Ankara Numune Training and Research Hospital waxa uu mid yahay Xarumaha Caafimaad ee ugu wanaagsan dalka Turkiga.

“Turkiga waxay qaaday Waajibaadka Samafalka ee saaran iyo inay  bixiso Daaweynta lama huraanka ah” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka ee Turkiga oo shalay ka soo laabtay Booqasho shaqo oo uu ku yimid magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee Hurmad Caafimaad la soo gaara dadkii ku dhaawacmay qaraxii Sabtigii hore ka dhacay Muqdisho, oo ay in ka badan 300 qof ku geeriyootay.

Dowladda iyo Ururka Bisha Cas ee Turkiga waxay Daawooyin, Qalab Caafimaad, Bustayaal iyo Teendhooyin soo gaarsiiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalladda Muqdisho.

Vigasho: ANADOLU NEWS AGENCY

LEAVE A REPLY