DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda Nawaaxiga Madaxtooyada Jubbaland iyo Madaxda...

DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda Nawaaxiga Madaxtooyada Jubbaland iyo Madaxda Dowlad Gobaledyada oo ku sugan Madaxtooyada

0
SHARE

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Maamulka Jubbaland ayaa hada ka socda meel ku dhaw Madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo aan dagaalka qeyb ka aheyn iyo dad shacab ah oo ku sugan kismaayo ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu goor-dhaw ka bilaawday agagaarka Madaxtooyada Kismaayo.

Sarkaal ka mid ah maamulka Jubbaland oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in uu arkay dhimashada 3 qof oo u badan Ciidan walina uu dagaalka socdo.

Saraakiisha Caafimaadka Kismaayo ayaa sidoo kale Xaqiijiyay in ay loo keenay dhaawaca ilaa 7 qof oo ay shacab ku jiraan.

Lama oga waxa sababay dagaalka balse waxaa la xaqiijiyay in wali uu ka socdo meel ku dhaw Madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose oo ay maanta gaareen Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Dalka.

 Live Wixii warar ah oo ku soo  kordha Kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY