Deg Deg Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad suggida oo xilka laga qaaday

Deg Deg Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad suggida oo xilka laga qaaday

0
SHARE

Taliyihii Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” iyo Taliyihii Nabad sugida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbololshe ayaa hada xilka laga qaaday.

Shir deg deg ah oo Golaha Wasiirada ay yeesheen ayaa xilka qaadista waxaa soo jeediyey Wasiirka Amniga, Goluhuna waa ku raacay.

Cidda bedelaysa lama go’aamin gadaal ayaa laga soo sheegi doonaa.

Waxaa lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen waajibaadkii loo idmaday ee ahaa Difaacidda Shacabka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa faraha ka baxay Ammaankeeda, waxaana ka dhacayay Qaraxyo iyo dilal Qorsheysan.

LEAVE A REPLY