Dhageyso:-AMISOM Oo Dishay Ku Dhawaad 17 Arday Iyo Macalinkooda

Dhageyso:-AMISOM Oo Dishay Ku Dhawaad 17 Arday Iyo Macalinkooda

0
SHARE

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qarax ku bilaawday oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray inta u dhaxeysa deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho.

Weerarka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM ay wadeen howgallo balse ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kaas oo geestay khasaaro kala duwan.

Dadka deeaganka qarkood oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ay dileen 17 Arday iyo Macalinkooda xili Ardaydaas laga soo daayay mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla deegaanka Lafoole

LEAVE A REPLY