Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo Xabsiga ka sii dayay Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug...

Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo Xabsiga ka sii dayay Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug isago diyaar Qaas ah u soo diray ,Khilafka Madaxda galmudug oo Muqdisho lagu dhamayenayo

0
SHARE

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii ay u yeertay dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiintan oo horay u sheegay inay xabsi guri la geliyay ayay galabta diyaarad qaas ah oo dowladda u dirtay ka soo qaaday magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ugu yeeray magaalada Muqdisho inay si deg deg ah u yimaadaan, balse aan loo sheegin sababta u yeeritaankooda iyo waxyaabaha lagala hadli doono

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY