Dhageyso Xiisadii Siyassadeed e Cadado Ka taagnayd oo Dab lagu sii Shiday...

Dhageyso Xiisadii Siyassadeed e Cadado Ka taagnayd oo Dab lagu sii Shiday ,iyadoo Dowlada Somaliya lagu Edeynayo in Beelaha Galmudug ay Hubaynayso ,Masuuliyada Wixii Dhacana Farmajo loo Haysto

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadado Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qaadi doonto mas’uuliyadda wax walbo oo ka dhaca degmada Cadaado.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, wuxuuna u mahadceliyey xildhibaannada Labada aqal ee Cadaado gaaray,  kuwaasi oo uu sheegay in ay xaliyeen xaalad amni oo ka jirtay degmadaasi ,Waxa uu xildhibaan Geelle sheegay in ay jiraan shaqsiyaad hurinaya khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee maamulka Galmudug, wuxuuna tilmaamay in khilaafkaasi ay hurisay dowladda Federaalka, wixii dhacana iyada ay qaadi doonto mas’uuliyaddeeda.

Shaqsi musharrax ah oo uu sheegay in Cadaado uu ku sugan yahay iney dowladda dhexe ku taageereyso sidii loo burburin lahaa maamulka Galmudug ,Waxaa  meel sare gaaray khilaaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya madaxda Galmudug, iyadoo Xildhibaannada maamulkaasina ay Labo garab u kala jabeen.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY