Dowlada Soomaliya oo ruqsadii Qareenimo kala Noqotay Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Galmudug

Dowlada Soomaliya oo ruqsadii Qareenimo kala Noqotay Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Galmudug

0
SHARE

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleyman ayaa ruqsada Qareenimo waxaa lagala noqday Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Galmudug Abuukaate Yaxye Shiikh Cali.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Abuukaate Yaxye Shiikh Cali uu isaga oo iska casilay Xilkii Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Galmudug dibna ugu soo laabtay howlihii qareenimo balse mar kale sheegtay in uu yahay Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Guddiga Diwaan galinta Qareenada oo ka shiray Abuukaate Yaxye Sheekh Cali ayey ku shaaciyeen in laga saaray Liiska Qareenada uuna yahay maanta waxii ka dambeeya shakhsi caadi ah .

Warar kale oon helnay ayaa sheegaya in shaqo ka eryida Yaxye ay soo dhaweeyeen qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedada dalka oo u arkay in uu qeyb ka ahaa xiisada siyaasadeed ee Galmudug ka taagan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Gudoomiyaha Maxkmaada sare ee dalka

LEAVE A REPLY