Faah Faahin Dagaalka maanta ka Soconaya Bariga Gobalka mudug ee u Dhaxeya...

Faah Faahin Dagaalka maanta ka Soconaya Bariga Gobalka mudug ee u Dhaxeya ciidamada Galmudug iyo Kuwa Puntland , Gadiidka Dagaalka iyo Ciidmo badan oo gaalkacyo Buux Dhaafiyay

0
SHARE

Dagaalo Xoogan oo u Dhaxeya Ciidmada Galmudug iyo Kuwa Puntland aya Maanta ka Soconaa Bariga Goablak mdug Wxana Dagaalkan ;la Shegaya in  la isku adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan

Ciidamo iyo gadiid Dagaalka aya Lagu  arkaya Maana magaalada GaalkacyoWaxana  Xasaradan ay tahay mid cabsi  kael ku abuurtay dadka ku Nool magalada Gaalkacyo

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa shegaya sababta keentay Dagaalka ka socda halkaasi.

Goobaha Dagaalka ka socda waxaa daga isla markana ku sugan dad Xoolo dhaqato ah kuwaasi oo kasoo kala jeeda labada dhinac.

Dhawaan waxaa halkaasi ka dhacay dagaal ay ku dhinteen dad badan hase yeeshee xaalada ayaa xomaatay kadib markii xoolo dhaqatada loo diiday baliyada biyaha ku jiraan.

Waxaa dhanka kale Ciidamo Puntland ka tirsan ay jeex jeexeen Jirgaamo iyo goobo kale oo biyo ku jireen kuwaasi oo isticmaalaan xoolo dhaqatada labada dhinac.

Xoolo dhaqatada Galmudug ayaa kasoo laabtay goobaha dhibka kala kulmeen iyadoo xiisada maalmahan ay jirtay.

Goobaha dhibkaasi ka dhacay waxaa ku sugan ciidamo caadi ah kuwaasi oo hubeysan lamana ogaan karo sababta waxaasi oo dhan kaga aamuseen maamulada labada dhinac.

 

Wixii ku soo kordha Dagaalkaasi lasoco

LEAVE A REPLY