Galmudug Halkee Bay Ka Bugtaa Badqab Kuse Muxuu Ku Jiraa (Faalo Xiiso...

Galmudug Halkee Bay Ka Bugtaa Badqab Kuse Muxuu Ku Jiraa (Faalo Xiiso leh)

0
SHARE

Tan iyo markii madaxweynaha galmudug axmed ducaale geele xaaf uu ku dhawaaqay in galmudug ay taageertay isbahaysiga sucuudiga ee xariirka u jaray dalka qadar waxaa hareeray dawlad gobaleedka galmudug khilaaf siyaaseed oo cuuryaamiyay shaqooyinkii hay,adaha dawladu ay hayeen

Khilaafka oo u dhexeeya madaxweyne xaaf iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka xareed cali xareed oo isku dhinac ah iyo madaxweyne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi carabey iyo gudoomiyaha baarlamaanka galmudug cali gacal casir  oo isku dhinac ah ayaa noqday mid ka duwan sidii la filayay oo sii daba dheeraaday

Muxuu Salka Ku hayaa khilaafka Galmdug?

Khilaafka xiligaan ka dhex aloosan madaxda sare ee galmudug ayaa la aaminsan yahay in uu salka ku hayo dana siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo ay leeyihiin shaqsiyaadka uu khilaafku u dhexeeyo iyo kuwa sii hurinaya xiisada ka jirta galmudug oo doonaya in ay kursiga banaystaan.

wuxuuna khilaafka ugu horeeyaa ka taaganyahay sida la sheegay sidii loo qaybsan lahaa dhaqaale ay dawladu imaaraadka carabtu ugu deeqday galmudug taasi la rumaysan yahay in loo gacan galiyay madaxweyne xaaf keentayna in ay ka caroodaan madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha baarlamaanka galmudug cali gacal casir oo rabay in dhaqaalahaasi ay saaami xoogan ka helaan.

Galmudug Halkee Bay Ka Bugtaa?

Shacabka reer galmudug ayaa aaminsan in halka ay ka bugto galmudug ama ay sartu ka qurunsan tahay ay tahay baarlamaanka galmudug oo u badan kuwa laaluush qaatayaal ah markii horana aan aqoon iyo karti lagu soo xulin ee shaati qabiil iyo qab qablanimo ku yimid

Baarlamaanka galmudug oo tiradiisa guud ay tahay 89 xildhibaan ayaa ah kuwa ku kala qaybsan xiisada u dhaxaysa madaxda sare ee maamulka waxayna xiligii ay wax halin lahaayeen ku dadaalayaan in ay dhex qaraabtaan madaxda uu khilaafku u dhexeeyo

26kii bishii aynu soo dhaafnay ee september xildhibaano ka tirsan baarlamaanka galmudug oo la sheegay in ay gaarayeen 55 xildhibaan ayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha galmudug axmed ducaale geele xaaf walow kulankaasi aynay warbaahinta goobjoog ahayn shir gudoon muuqdana uusan joog ee ay xildhibaanadu si qarsoodi ah u kulmeen

Isla 30kii september xildhibaano kale oo ku shiray magaalada cadaado ayaa sheegay in ay xilka qaadis ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi carabey iyo gudoomiyaha baarlamaanka cali gacal casir waxaana kulankaasi oo uu shir gudoominayya xareed cali xareed gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka galmudug la sheegay in ay soo xaadireen 55 xildhibaan

Marka la eego wadarta guud ee la xariirta isku darka tirada xilka qaadista ee labada dhinac ayaa noqonaysa 110 xildhibaan taasi oo ah mid aan macquul ahayn waayo baarlamaanka galmudug waa 89 xildhibaan balse waxaad moodaa in xildhibaanadu ay labada dhinacba ka dhex qaraabanayaan oo ay dhaqaala raadisyihiin balse aysan u muuqan dhibka haysta shacabkooda

Shacabka galmudug ayaa aaminsan in hadii galmudug yeelan lahayd baarlamaan daacad ah in uusan jireen is qab qabsi siyaasadeed oo ay barqa cad kala saari lahaayeen balse hada kuwa joogaa ay yihiin fadlan lacag ku dhubo uuna u muuqdo in ay maal badan helaan inta ay meesha joogan.

Dhismihii Galmudug Dhib Caynkee Ah Ayaa Laga Soo Maray?

Dawlada gobaleedka galmudug ayaa dhismihiisii laga soo maray dhib aad u fara badan oo aan laga soo marin maamulada kale ee dalka ka dhismay

Dhismaha galmuudg ayaa soo bilowday sanadkii 20o6dii  oo la aas aasay maamulkii Ex galmudug oo ka arimin jiray gobalka mudug qayb ka mid ah waxaa sidoo kale gobalka galgaduud ka jiray Ximan Iyo Xeeb iyo Maamulka Culimo Awdiinka Ahlusuna Ee Gobalada Dhexe

Balse juhdi fara badan oo lasoo galiyay ka dib sanadkii 2015kii ayay suurta gashay in galmudug la balaariyay ayna ku midoobaan dadka daga gobalada mudug iyo galgaduud walow khilaafaad yar yar ay waqtigaasi jiren balse la rajaynayay in ay dhamaan doonaan

Waxaana dadaalkii galmudug lagu soo dhisay doorka ugu wayn ku lahaa dawladii hore ee madaxweyne xasan shiiikh maxamuud oo waqti dheer galisay sidii ay maamul buuxa u dhisan lahaayeen dadka daga gobalada dhexe ee soomaaliya gaar ahaan Gobalada mudug iyo galgaduud oo haatan la isku yiraahdo galmudug

Ugu damabyn waxaa suurta gashay in galmudug ay ku midoobaan qabiiladii ugu badnaa oo gaaraya 13 qabiil oo kala duwan kana kooban inta badan beelaha soomaaliya daga arinkaasi oo ay galmudug maamulada kale dheertahay madaama maamulada kale ay yihiin kuwa qabiilo kooban ay dhisteen

Badqabka galmudug Muxuu Ku Jiraa?

Khilaafka haatan ka taagan galmudug ayaa ah mid u yaala dadyowga daga galmudug gaar ahaan inta caqliga u saaxiibka ah sida siyaasiyiinta aqoonyahanada iyo odayaasha dhaqanka ee kolkii hore galmudug soo dhisay

Waxaa la rumaysan yahay in hadii ay dadka reer galmudug u istaagaan badqabka iyo badbaadinta maamulkooda ayagoo aan cid kale eedayn in ay ku guulaysan doonaan yoolkooda

Xalka galmudug wuxuu haatan ku jiraa in la isku keeno waxgaradkii soo dhisay galmudug si ay u haliyaan xiisada siyaasadeed una xakameeyaan si aysan u noqon mid   sii faafta oo tagta meel aan laga soo laaban karin

Xiisada Galmudug Xalaa Dhalay Halaga Dhigo 

W/Q Mahad Daahir Maxamed (America)

Afeef : Warbaahinta Hobyomedia masuul kama ah qoraalkan waxaa Damanad qadaya qoraaga ku saxiixan maqaalkan

 

 

LEAVE A REPLY