Madaxweyne Xaaf oo Fursad Muhiim ah ka Dhax Helay khilaafka Galmudug ,...

Madaxweyne Xaaf oo Fursad Muhiim ah ka Dhax Helay khilaafka Galmudug , Hadaba Fursadaasi Maxay Tahay(Akhriso)

0
SHARE

Iyadoo uu sii xumaanayo marba marka ka dambeeya Khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa uu dajiyay Qorshe lagu Xalin karo  Khilaafka Cakiran ee ka dhex jira Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Galmudug.

Odayaal iyo Culimo ka kala yimid Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado,Wakiilna ka ah Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa yimid Magaalada Dhuusamareeb oo Xarun u ah Maamulka la Magac baxay Gobollada Dhexe ee Ahlusunna,waxaana Culimadda iyo Waxgaradka yimid Dhuusamareeb ay Kulamo gaar gaar ah la qaateen Mas,uuliyiinta Maamulka Ahlusunna oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Warar  la Helay  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu u soo Wakiishay Culimada iyo Odayaasha ka socda Galmudug in Ahlusunna la siin doono Xilalka ugu sareeya Galmudug inta aan ka aheyn Xilka Madaxweynaha islamarkaana aysan jirin wax Sharuud ah oo lagu xirayo.

Xilalka loo balan qaaday Ahlusunna ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin  oo ay dhankooda ka yimaadaan Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka,iyadoo la marayo habka Awood qeybsiga Beelaha.

Kulamadaan u dhexeeya Madaxda Maamulka Ahlusunna iyo Wakiilada ka socda Galmudug ayaa Xalay illaa Maanta ka socda Magaalada Dhuusamareeb mana jirto Mas,uul weli ka hadlay Shirarka u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug.

Hayeeshee haddii ay Miro dhasho arrintaan ayaa Dadka ka hadla Arrimaha Siyaasadda waxaa ay sheegayaan in ay Meesha ka baxdo Xilka qaadistii ay sheegeen Qaar kamida Xildhibaanada Galmudug in Madaxweyne Xaaf ay ku sameeyeen,iyadoo sidoo kale uu soo afjarmi doono Khilaafkii mudada taagnaa ee u dhexeeya Galmudug iyo Ahlusunna

LEAVE A REPLY