Muuqaal: Xajka oo loo sameeyay Dalladda ugu weyn Caalamka taa oo...

Muuqaal: Xajka oo loo sameeyay Dalladda ugu weyn Caalamka taa oo Xujeyda iyo Dadka Cumreysanaya ay ka galayan Qorraxda xilliga kuleelaha.

0
SHARE

HM__Xafiiska Austria Dowladda Sucuudiga ayaa dhameystirtay Dalladda ugu weyn Caalamka oo qorshuhu yahay in Xujeyda harsadaan Sanadka soo socda iyo sanadaha xigaba.

Dowladda Sucuudiga ayaa sameysay Dalladan oo ay ugu talagashay in Xujeyda iyo Dadka Cumreysanaya ay ka galaan Qorraxda xilliga kuleelaha.

Jen. Muhammad Al-Ahmadi,oo ay taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacbada ayaa sheegay in Mashruucan uu waqti dheer socday islamarkaana lagu guuleystay in la soo gaba gabeeyo.

Waxaa uu la hadlayay TV-ga Al Carabiya,waxaana uu sheegay in 10 ka Sano ee soo socota Xajka uu ku beegmi doono xilli kuleyl ah sidaas darteedna laga billaabo Sanadka soo socda ay Xujeyda gudan doonaan waajibka iyaga oo aan kuleyl la kulmeyn.

Dalladda ayaa maalmahan aad loogu hadalhayay baraha bulshada waxaana muuqaalka dalladda uu yahay sidan.

Xigashada Muqaalka iyo Turjumida Warbixinta  :Khaleejtimes.

LEAVE A REPLY