Sawiro: Saraakiil Sar Sare oo Qaraxii Galbta Hotel Naasa-Hablood 2 ku Dhintay...

Sawiro: Saraakiil Sar Sare oo Qaraxii Galbta Hotel Naasa-Hablood 2 ku Dhintay , iyo Alshabab oo Qaraxa Sheegtay

0
SHARE

Warar ka soo baxaya qarixii hore ee ka dhacay Afaafka hore ee Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku geeriyooday mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Xogta ay heshay Hobyomedia  ayaa waxa ay sheegeysaa in qaraxaas uu ku geeriyooday talihii Saldhiga Booliiska degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Yuusuf Nuur oo lagu naaneysi jiray )Fanax Xagaleey)

Taliyaha ayaa horay u soo nqoday taliyaha Saldhiga Booliiska degmada Yaaqshiid,waxana la sheegay xiliga uu qaraxa dhacayay uu marayay afaafka hore ee Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Sawirka talihii Saldhiga Booliiska degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir

Dhanka Kale Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay lu leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegteen Masuuliyada  weerarkaas lagu qaaday Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay weerarkaas ay ku bartilaameedsanayeen Xildhibaano iyo Saraakiil degan Hoteelka sida ay sheegeen.

Hotelka ayaa waxaa weli laga maqlayaa rasaas,waxana khasaaraha hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in ku dhawaad 10 Qof oo Shacab u badan ay ku geeriyoodeen qaraxaas iyo weerarka la socdo.

Weerarkaan qaraxa ku bilaawday ayaa ku soo aadaya labada todobaad kadib qarixii lagu dhamaaday ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY