Warar Shegaya Gadiidka Dagaalka oo ku baxay bariga Gobalka Mudug oo Ciidamada...

Warar Shegaya Gadiidka Dagaalka oo ku baxay bariga Gobalka Mudug oo Ciidamada Galmudug iyo Puntland ay ku Dagalameen

0
SHARE

Ayadoo dhawaan dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan galmudug iyo puntland uu ka dhacay deegaano ku yaala bariga magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa manta mar kale waxaa halkaasi laga dareemayaa abaabul dagaal oo ay wadaan dhinacyadii horay ugu dagaalamay bariga gobalka mudug.

Deegaanada ay xiisadu maanta ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah cali waal,sanagaduud,gacmafale iyp godod oo dhamaantood dhaca waqooyi bariga gobalka mudug halkaasi oo ay daris ka yihiin maamulada  galmudug iyo puntland oo Mudo Badan uu dagaalkoodu soo jiitamayay.

Qaar ka mid ah dad deegaanka  ayaa sheegay in ay arkayaan gaadiid dagaal oo aad u fara badan oo soo buuxdhaafiyay tan iyo xalay deegaanada ay dhiilada colaadeed ka jirto waxayna sheegeen in ay ka cabsi qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo.

Ma jirto cid ilaa iyo hada kala dhex gashay dhinacyada ku dagaalamaya bariga gobalka mudug waxayna labada maamul isku eedeeyeen in midba midka kale uu dagaalka kusoo qaaday.

LEAVE A REPLY