WARBIXIN:- Golaha Kismaayo iyo go’aan qaadashada Farmaajo

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si taxadar leh loogaga hadlay shirkii ku soo idlaaday Kismaayo, kaa oo lagu dhisay gole ay ku mideysan yihiin madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya.

Waxaa qoraalka lagu billaabay: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed, si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.”

Arrintaa ayaa lagu tilmaamay in ay ka muuqato diblumaasiyad iyo in madaxweyne Farmaajo uu ka fogaanayo in uu sii huriyo dhibaatada siyaasadeed ee hadda taagan, sida uu qabo Dr Axmed Cali Khayre oo ah cilmi-baare.

Ujeedada war saxaafadeedka

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu muujinayaa marka koobaad, in uu ku baaqayo in midnimo iyo wada shaqeyn lagu dadaalo, dhaliilahana lagu xalliyo hay’adaha dastuurka iyo nidhaamka dowliga ah,” ayuu yiri Dr Axmed Cali Khayre.

Warka ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo waxaa lagu sheegay “in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha, iyada oo la raacayo dastuurka iyo qawaaniinta dalka.”

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la hadalka dowladda. “Anagoo dowladayadii dhexe iyo federaalka oo mid ah, meelna u wada jeedna oo aragti mideysan leh, oo wadatashi joogta ah la leh, in go’aano nawada metelaya gaarno waa intaa waxa aan ka hadlayno,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo BBC Somali la hadlay.

Kismaayo oo lagu dhisay gole ay ku mideysanyihiin dowlad goboleedyada

Shan arrimood oo “fududeeyay” in la rido madaxda Galmudug iyo Hirshabelle

Waa kuma Xaaf ?

Hase yeeshee, Dr Axmed Khayre ayaa tilmaamay in madaxweyne Farmaajo u muuqdo in uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah “in uusan u noqon qof ka aamusay wixii ka soo baxay shirkii Kismaayo iyo in xaalka la dejiyo oo qaab diblumaasiyadeed lagu galo kaas oo muujinaya in dowladda diyaar u tahay wadahadal.”

Madaxweyne Farmaajo miyuu taageeray shirkii Kismayo?

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalayay xafladdii caleemo saarkii Xaaf, Bishii Maarso ee SanadkanLahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA SOOMAALIYA

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalayay xafladdii caleemo saarkii Xaaf, Bishii Maarso ee Sanadkan

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay “in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.”

Balse qoraalka loogama hadlin taageerada ama diidmada kullankii ay yeesheen madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee Kismayo iyo go’aamadii ka soo baxay.

War saxaafadeed ka koobnaa seddax bog oo ka soo baxay shirkii Kismaayo ayaa lagu shaaciyay in ay samaysteen gole loogu magacdaray Golaha Dowlada Goboleedyada. Waxayna guddoomiye u doorteen madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeen loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare.

Hadaba, Dr Axmed Khayre oo cilmi-baare ah wuxuu sheegay in qoraalka madaxweyne Farmaajo uusan muujineynin in uu taageeray go’aanka ay gaareen madaxda maamul goboleedyada.

“Marka uu leeyahay dastuurka halagu dhammeeyo khilaafka, wuxuu u muuqdaa in uusan marna taageersanayn wixii ka soo baxay Kismaayo,” ayuu yiri Khayre.

Balse Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo siyaasadda ka faallooda, wuxuu qabaa “in labada dhinacba uu ka muuqdo qalad badan oo sababaya in qarrannimada Soomaaliya dhibaato ku keeni kara.”

“Arrinta ay ka hadlayaan madaxda maamul goboleedyada, waxay ahayd in baarlamaanka uu ka hadlo, oo ay ayaga dowladda la xisaabtamaan,” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab.

Laakiin madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shaqada la kala leeyahay, “Wixii ay si wanaagsan u qabtaan baarlamaanka waan taageereynaa, wixii shaki nooga jirana, xaq baan u leenahay in aan wax ka niraahno.”

Shirkii Kismaayo sax ma ahaa?

Sida uu qabo Dr Axmed Cali Khayre, dowladda federaalka waxay ahayd in ay isku daydo in ay baajiso shirkii ka dhacay Kismaayo ee lagu dhisay golaha maamul goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu u arkaa qalad “in dowladda dhexe ay farageliso maamulka Galmudug” oo weli uu khilaaf ka taagan yahay.

“Midda koobaad, sida aan dastuurka waafaqsanayn ee ah in dowladda ay isku dayday in maamulka Galmudug iyo maamulo kale madaxda ka bedesho, taas waxay fursad siisay in shirkan uu qabsoomo,” ayuu yiri Khayre.

Dr Cbdiwahaab ayaa dhankiisa sheegay in dowladda federaalka looga baahnaa in ayada ay gogosha dhigto oo maamullada aysan kulmin keligood. “Waxay ahayd in dowladda ay dhigto gogosha ayna dhageysato cabashada maamullada,” ayuu yiri.

Sikastaba, Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa BBC-da u sheegay in shirkii Kismaayo uu ahaa mid dastuuri ah. “Waa waxa aan sharciga u lahayn ee ma jiraan wax aan ku qabsanay dowladda federaalka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dowladda ay xiriir la leeyihiin diyaarna u yihiin meel kasta oo ay ku shirayaan, balse ma uusan sheegin sababta aan dowladda dhexe loogu casuumin kullankii Kismaayo.

Madashii Qaranka oo uu madax ka ahaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud

Madashii Qaranka waxay ahayd mid ay ku mideysnaayeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo madaxdii dowladdii hore ee federaalka.

Madaxsdaas waxay kaalin wayn ku lahaayeen dhismaha baarlamaanka hadda jiro iyo qaabkii lagu soo doortay. Sidoo kale qaabkii doorashadii madaxwaynaha ay u dhacday iyo awood qeybsiga ayey go’aan ku lahaayeen.

Dadka qaar ayaa u arkay in madashaas ay la wareegtay howshii baarlamaankii hore, ayna qaateen dhammaan awoddihii dalka.

Golahan cusub ee shalay lagu dhisay Kismaayo waxaa ka mid ah, madaxda maamul goboleedyada oo keli ah, waxaana ka maqan dowladda dhexe.

Hadaba ma isku mid baa golahan iyo madashii qaranka? Dr Axmed Cali Khayre oo ka jawaabayay su’aash ayaa sheegay in golahan uu yahay mid “aan waafaqsanayn dastuurka Soomaaliya u yaalla.”

“Waxa ay maamul goboleeyada rabaan waa gole u dhigma madashii qaranka ee la wareegtay awoodii golihii fulinta iyo sharci dejinta, taasna waxay ila tahay in nidaam aan la aqbali karin uu yahay,” ayuu yiri Dr Khayre.

Muxuu Khilaafka Khaliijka u gilgiley nidaamka federaalka Soomaaliya?

Dowladda Farmaajo oo $50 milyan ka heshay Sucuudiga, Booqashadiisa ka dib

Sidoo kale Dr Cabdiwahaab ayaa yiri: “Arrintan waxay keeneysaa in geedi socodka nabadda Soomaaliya ay saamayn ku yeelato, waxay keeneysaa in ay hakiso hannaanka ay Soomaaliya ka guureyso.”

Madaxweynaha Puntland ayaa difaacay golaha uu yiri: “Golahan waa madal ka dhexeysa dowlad goboleedyada, waxaana jiro dano gaar ah oo ayaga ka dhexeeya, waxaa jiro masuuliyado saaran ayaga. Adduunka, meelkastoo federal ka jiro, golayaasha noocan ahna way jiraan. Shiddo iyo shaqaaqo lama damacsanin dowladda, mucaaradna ma ahin,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Gaas.

“Waa madaxweynayaashii maamul goboleedyada oo isu yimid oo ka wada hadlaya danta Soomaaliyeed iyo sidii ay dowladda federaalka ula shaqeyn lahaayeen. Waa intaa waxa aan hayno,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Xog Khilaafka Madaxda Galmudug oo cirka isku shareeray Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlmanka oo Cadaado ku Wajahan (Warbixin)
- May 26, 2018
Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray halkii ugu sareeyey, waxaana fashilmay wadahadaladii uga socday magaalada ...
Daryanka Hubka oo laga Maqlayo Tukaraq iyadoo Wafuud ka socota Beesha Caalamka ay kusii jeedo
- May 26, 2018
Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas ...
Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Jira Wadatashiyadii Uu Ku Soo Magacaabi Lahaa Golihiisa Wasiirada
- May 26, 2018
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ee ...
(Dhagayso) Dood Kulul oo Ku saabsan Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna
- May 26, 2018
Doodaan ayaa waxa ay kusaabsantahay qilaaf Dib uga dhex abuurmay Maamulka Galmudug Gaar ahaan ...
Daawo Sawirada Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano la socday oo Dib ugu Soo Laabaty Dhuusamareeb
- May 26, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaalle Geelle Xaaf iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada ...
Xog la yaab Leh Shirkada Facebook oo Macaamiisha isticmaasha ka Dalbatay in ay la Wadaagan Sawiradooda oo Qaawan Maxay tahay Sababtu?
- May 26, 2018
Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa dadka waydiisanaysa sawirro ay qaawan yihiin, ...
Faransiiska oo Xir Xiray Basaasiin looga Shakiyay in ay la Shaqeynayeen Shiinaha
- May 26, 2018
Dawladda Faransiiska ayaa xabsiga dhigtay labo qof oo ka tirsanaan jiray laammaha sirdoonka ee ...
Madaxweyne Farmaajo ” waan awoodi weynay Joojinta dagaalka Tukeraq
- May 26, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta oo Jimco ah ka hadlay Masaajid ku ...
Wasaaradda Amniga oo War-Cad kasoo saartay Shilkii dhex maray Ciidamada NISA & Xildhibaan C/llaahi M. Nuur (Aqri)
- May 25, 2018
Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa War-cad kasoo saartay dhacdadii uu ku lug lahaa xildhibaan ...
Daawo Sawirada Qarax lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaalada Ontario ee dalka Canada
- May 25, 2018
Booliska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla ...
DAAWO MUQAALKA Lataliyihii Cali Khaliif oo Sir Badan Fashiliyey, Kana Hadlay Dagaalka Tukaraq isago yiri ,”Faysal Waraabe Shaqaale ayuu Ahaa Majeerteen Yuu Habaarin”
- May 25, 2018
Lataliyihii hore ee arrimaha bulshada iyo amniga madaxweynihii Khaatumo siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali ...
DAAWO-Hubkii iyo Gaadiidkii DAGAALKII TUKARAQ Laga Furtay Soomaaliland OO LA SOO BANDHIGAY
- May 25, 2018
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in gudiga ...
Qarax Lagu Hoobtay oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Benghazi., ,Wararkii u Danbeyay
- May 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa ...
Nin ka mid aha Raga ugu Sar sareya Ajaanibta la jooga Al-shabaab oo isdilay Maxay tahay Sababtu?
- May 25, 2018
Meeydka muwaadin Kenyan ah oo u dagaalamayay Al-shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala ...
Dhageyso:-Galmudug Iyo Hir-Shabeelle Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Hiiraan
- May 25, 2018
Deegaanka Banyaaleey ee Gobolka hiiraan ayaa dhowr mar waxa ku wada dagaalamay laba maleeshiyo ...
>
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements