Warbixin ku Saabsan Kiiska Qalbi dhagax oo Maanta Jawaari loo Gudbinayo

Guddigii loo xil saaray kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo bishii Augusto ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in warbixin ku aadan baaritaankooda u gudbiyaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Guddigan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana Guddoonka uu u xil saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskiisa iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishii September, iyagoo la kulmay dinacyo kala duwan.

Warbixinta Guddigan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 10 October u gudbiyaan Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka, waxaana la filayaa in warbixintaas in la horkeeno Xildhibaanada golaha shacabka, si ay go’aan uga gaaraan, ugu dambeyn cod u qaadaan.

Kulamada guddigan ay yeelanayeen mudadii ay baaritaanka wadeen ayaa ahaa mid aan waxba lagala socon, isla markaana saxaafada ka war heyn.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa horay ugu dalbaday Guddigan in kama dambeyn ay warbixintooda baaritaanka u soo gudbiyaan Xafiiska Guddoonka 10-ka bisha October oo maanta ku beegan.

Dad badan ayaa isha ku haya warbixintan iyo sida ay noqon doono, waxaana Kiiskii Qalbi Dhagax uu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lugaha la gasho, kaasoo la rumeysan yahay in taageero badan ku lumiyeen.

 


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

XOG Kheyre Iyo Farmaajo Oo Isku Haysta Arrin Aad u Halis Ah
- Feb 19, 2018
Warar hoose oo aan ka helnay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in hadda uu ...
Dowlada Somalia oo soo saartay amar lagu soo xirayo Ganacsatada Muqdisho qaarkood (Akhriso)
- Feb 19, 2018
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Wasaaradaas ...
Raisul Wasaare ku-xigeenka dowlada Turkiga oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho
- Feb 19, 2018
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu ayaa booqasho rasmi ah todobaadkaan ku ku kala ...
Dhageyso Sheikh Shaakir oo Wasiiro ka Tirsan Galmudug isugu yeeray shir uu ka furay Dhuusamareb Maxaasi soo kordhay?
- Feb 18, 2018
HM_Xafiiska Dhusamareb Wariyaasha ku sugan magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ku soo warameysa ...
Daawo Sawirada Canshuur kordhin Dowlada Soomaliya ay Sameysay oo keentay in Ganacsatadii ay albaabada u laabaan Ganacsigii Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho
- Feb 18, 2018
Waxaa weli xiran Ganacsigii Suuqa Weyn ee Bakaaraha kaas oo Ganacsatada ay shalay ku ...
Daawo Sawirada : Hawulo Culus oo ka Socda Magaalada Hobyo , iyo Ciidamada Galmudug oo qayb wayn ka qaadanaya
- Feb 18, 2018
Waxaa maalintii 5aad si dardar ah uga  socda wadooyinka dagmada Hobyo burbur lagu samaynayo ...
Daawo Sawirada Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Oo Shir xasaasi ah Ka Furay Dhuusamareeb
- Feb 18, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan ...
Dhageyso Dowlada Galmudug Oo Ciidan Badan Geysay Magaalada Hobyo Xili Lagu Wado in La Bilaabo Dhawan Dhismaha Dekadda Hobyo
- Feb 18, 2018
HM__ Xafiiska gaalkacyo Magaalo xeebeedka hobyo oo dhacda koonfurta gobalka mudug xiligaan waxaa laga ...
Daawo-Muqaal Qurux Badan oo ku saabsan Xaalada Amaan iyo Mid Hormarineed ee Deeganada Galmudug
- Feb 18, 2018
HM))Xafiiska  Gaalkacyo Kobac Dhaqaale oo Xoogan aya laga Dareemaya Deganada Dowlad Gobaleedka Galmdug tan ...
Faah faahino Akhriso Sababta Magalada Dhuusamareeb loogu Xiray Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Maamulka Galmudug+Sawir
- Feb 18, 2018
Maxamed Cusmaan Qoofaal  Agaasimihii Warfaafinta  Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay xireen ...
Diyaarad hub sida Lagana Leeyahay Wadanka Shiinaha oo ka degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho
- Feb 18, 2018
Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in diyaarad ...
XOG: Mareynkanka oo ka digay in laga dhabeeyo Qorshe QM ansixisay oo halis ku ah Somalia(Aqri)
- Feb 17, 2018
areynkanka ayaa si adag uga soo horjeestay go’aan Qaramada Midoobay uu ku ansixiyay in ...
Dhageyso Warbixin ku Saabsan Furniinka Dumarka Soomaliyeed iyo Caqabadaha Qoyaysaska Kala tag ay ku raben caruurta
- Feb 17, 2018
Furiinku somaliyada ayaa sanadahaan noqday wax iska caadi ah, oo dhalintu ay u arkeen ...
Qadar oo Dowlada Somalia ku wareejisay Gaadiid loogu tala galay Booliiska (Daawo Sawirro)
- Feb 17, 2018
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowlada Qadar kala wareegtay Gaadiid loogu tala galay Ciidanka ...
Dhageyso:-Gudoomiyaha Guud Ee Ururka Ahlusuna Oo Iclaamiyay Dagaal
- Feb 17, 2018
Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa kulamo dhinaca ...
 
Advertisements